DEG-ELEMA — Deegaanka Deg-Elema oo qiyaastii 12km u jirta magaalada Dhoobley, biyuhu ma aha oo keliya baahi maalinle ah, balse waa laf-dhabarta ay ku tiirsan tahay nolosha iyo badbaadada bulshada deegaankaas. Muddo dheer, dadka deegaanku waxay wajahayeen caqabado baaxad leh oo dhanka biyaha ah, taas oo ku qasbi jirtay in ay safarro aad u dhaadheer u galaan raadinta biyo ay cabaan iyo mid ay xoolahooda ka waraabiyaan.
Caqabadihii Hore iyo Saameynta Qoyska
Kahor inta aan dayactirka iyo horumarinta lagu sameyn Ceelka Deg-Elema, helitaanka biyuhu waxaa loo gali jiray halgan adag, oo si gaar ah u saameeyn ugu lahaa haweenka iyo carruurta. Maadaama biyaha looga soo dhaamin jiray masaafo fog, qoysas badan ayaa ku dhibaataysnaa biyo yarida jirta. Culeyskaas waxa uu gaartay heer carruur badan ay ka haraan waxbarashada si ay waalidkood uga caawiyaan soo dhaaminta biyaha, halka haweenkuna ay xilliyada qorraxdu aadka u kulushahay biyo dhaamin tagi jireen.
Isbeddelka iyo Horumarka Muuqda
Maanta, dayactirka iyo ballaarinta ceelka Deg-Elema waxa uu horseeday in, in ka badan 10,000 (Toban kun) oo qof, oo ku dhaqan magaalada iyo miyiga ayaa helaan biyo. Xoolo-dhaqatada oo markii hore xoolaha ka soo aroorin jiray masaafo u dhaxaysa 40 ilaa 50km si ay biyo u helaan, waxa ay hadda heystaan ceel u dhow oo leh darar ku filan iyo biyo ka awood badan intii hore. Tani waxay meesha ka saartay ciriirigii iyo biyo yaraantii ka jirtay deegaanka, iyadoo la kordhiyey dararka ay xooluhu ka cabaan.
Dadaallada Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha
Mashruucan guuleystay waxa uu ku yimi iskaashi dhex maray Wasaaradaha Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha ee heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed, iyada oo fulintiisa loo marayo Mashruuca Abaartire (HoA Groundwater for Resilinece) oo uu maalgeliyo Bangiga Adduunka.
Ujeeddada ugu weyn ee dayactirka loogu sameeyey ceelkan, waxa ay ahayd in laga jawaabo baahiyaha degdegga ah ee ka dhashay abaarta ba’an ee dalka ka jirta. Wasaaraddu waxa ay dardargalisay qorshaha wax ka caqabashada biyo yarida dalka ka jirta, gaar ahaan xilligan adag ee lagu jiro.
Nabadgelyada iyo Wada-noolaanshaha Bulshada
Marka laga yimaaddo faa’iidada caafimaad iyo midda nololeed, ceelka Deg-Elema, waxa uu qayb weyn ka qaatay xasiloonida deegaanka. Maadaama la kordhiyey tirada dararka biyaha lagana dhigay lix halka uu markii hore ka ahaa afar dar. Taas waxa ay sababtay in ay yaraato xasaradihii ka dhalan jiray safafka dhaadheer ee loo galo ceelka iyo in dadka deegaanku nabadgalyo ku wada noolaadaan.












