Author: GW4R Project Team

  • Resilience in the Desert: How Deg-Elema is Overcoming the Water Crisis

    Resilience in the Desert: How Deg-Elema is Overcoming the Water Crisis

    DEG-ELEMA — In the arid landscape roughly 12km from Dhobley, water is more than a basic necessity; it is the heartbeat of the community. For the residents of Deg-Elema, the daily struggle for a drop of water has long been a barrier to survival. Today, that narrative is changing through a landmark infrastructure project that is restoring hope to the region.

    The Burden of Scarcity

    Before the recent intervention, the lack of local water access created a cycle of hardship that stifled the community’s potential. The crisis was felt most acutely by women and children, who bore the physical and social costs of water insecurity:

    • Impact on Education: Many children were forced to abandon their studies to assist their families in the grueling search for water.
    • The Gender Toll: Women spent their days trekking long distances under the relentless sun, sacrificing their health and safety to provide for their households.

    From Struggle to Sustainability

    The successful rehabilitation and expansion of the Deg-Elema borehole have signaled a profound shift. By modernizing the facility and increasing the number of water kiosks and livestock troughs, expanding from four to six. The project has effectively ended the era of chronic shortages.

    Key Impacts Include:

    • A Lifeline for 10,000: The facility now serves a population of over 10,000 across both urban and rural settlements.
    • Supporting Pastoralists: Herders who once traveled between 40km and 50km to water their livestock now have a high-capacity, reliable source within reach.
    • Efficiency & Access: The increased number of water kiosks has eliminated the long, exhausting queues that previously defined the area.

    A Strategic Response to Drought

    This transformation is the result of a high-level collaboration between the Federal and State Ministries of Energy and Water Resources. Implemented under the Abaartire Project (HoA Groundwater for Resilience) and funded by the World Bank, the initiative is a direct answer to the severe drought conditions gripping the nation.

    By prioritizing the modernization of the Deg-Elema system, the Ministry has demonstrated its commitment to moving beyond emergency aid and toward long-term, sustainable infrastructure.

    The Peace Dividend

    Beyond the health and economic benefits, the project has become a cornerstone of regional stability. Historically, water scarcity was a frequent flashpoint for communal tension; the frustration of limited supply often bubbled over into conflict.

    By ensuring an abundant and organized supply through the new water kiosks, the project has acted as a catalyst for peace. With the stress of competition removed, the residents of Deg-Elema are now defined by a spirit of cooperation and shared security.

  • Sida dayactirka Ceelka Deg-Elema u Bedelay Nolosha iyo Rejada Bulshada Deegaankaas

    Sida dayactirka Ceelka Deg-Elema u Bedelay Nolosha iyo Rejada Bulshada Deegaankaas

    DEG-ELEMA — Deegaanka Deg-Elema oo  qiyaastii 12km u jirta magaalada Dhoobley, biyuhu ma aha oo keliya baahi maalinle ah, balse waa laf-dhabarta ay ku tiirsan tahay nolosha iyo badbaadada bulshada deegaankaas. Muddo dheer, dadka deegaanku waxay wajahayeen caqabado baaxad leh oo dhanka biyaha ah, taas oo ku qasbi jirtay in ay safarro aad u dhaadheer u galaan raadinta biyo ay cabaan iyo mid ay xoolahooda ka waraabiyaan.

    Caqabadihii Hore iyo Saameynta Qoyska

    Kahor inta aan dayactirka iyo horumarinta lagu sameyn Ceelka Deg-Elema, helitaanka biyuhu waxaa loo gali jiray halgan adag, oo si gaar ah u saameeyn ugu lahaa haweenka iyo carruurta. Maadaama biyaha looga soo dhaamin jiray masaafo fog, qoysas badan ayaa ku dhibaataysnaa biyo yarida jirta. Culeyskaas waxa uu gaartay heer carruur badan ay ka haraan waxbarashada si ay waalidkood uga caawiyaan soo dhaaminta biyaha, halka haweenkuna ay xilliyada qorraxdu aadka u kulushahay biyo dhaamin tagi jireen.

    Isbeddelka iyo Horumarka Muuqda

    Maanta, dayactirka iyo ballaarinta ceelka Deg-Elema waxa uu horseeday in, in ka badan 10,000 (Toban kun) oo qof, oo ku dhaqan magaalada iyo miyiga ayaa helaan biyo. Xoolo-dhaqatada oo markii hore xoolaha ka soo aroorin jiray masaafo u dhaxaysa 40 ilaa 50km si ay biyo u helaan, waxa ay hadda heystaan ceel u dhow oo leh darar ku filan iyo biyo ka awood badan intii hore. Tani waxay meesha ka saartay ciriirigii iyo biyo yaraantii ka jirtay deegaanka, iyadoo la kordhiyey dararka ay xooluhu ka cabaan.

    Dadaallada Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha

    Mashruucan guuleystay waxa uu ku yimi iskaashi dhex maray Wasaaradaha Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha ee heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed, iyada oo  fulintiisa loo marayo Mashruuca Abaartire (HoA Groundwater for Resilinece) oo uu maalgeliyo Bangiga Adduunka.

    Ujeeddada ugu weyn ee dayactirka loogu sameeyey ceelkan, waxa ay ahayd in laga jawaabo baahiyaha degdegga ah ee ka dhashay abaarta ba’an ee dalka ka jirta.  Wasaaraddu waxa ay dardargalisay qorshaha wax ka caqabashada biyo yarida dalka ka jirta, gaar ahaan xilligan adag ee lagu jiro.

    Nabadgelyada iyo Wada-noolaanshaha Bulshada

    Marka laga yimaaddo faa’iidada caafimaad iyo midda nololeed, ceelka Deg-Elema, waxa uu qayb weyn ka qaatay xasiloonida deegaanka. Maadaama la kordhiyey tirada dararka biyaha lagana dhigay lix halka uu markii hore ka ahaa afar dar. Taas waxa ay sababtay in ay yaraato xasaradihii ka dhalan jiray safafka dhaadheer ee loo galo ceelka iyo in dadka deegaanku nabadgalyo ku wada noolaadaan.

  • Dayactirka iyo Horumarinta Ceelka Aato oo la bilaabay

    Dayactirka iyo Horumarinta Ceelka Aato oo la bilaabay

    Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha XFS oo kaashaneysa Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha ee Koonfur Galbeed ayaa deegaanka Aato ee hoos timaada degmada Rabdhuure ka bilwoday dayactirka iyo horumarinta ceel muhiim u ah dadweynaha iyo xoolaha halkaas ku dhaqan.

    Wasaaradda, waxaa fulinta mashruucan u xil-saaran Mashruuca Abaartire (HoA Groundwater for Resilience Project) oo uu maalgaliyo Bangiga Aduunka.

    Dayactirka iyo horumarinta ceelka Aato waxa uu ku soo aaday xilli ay bulshada deegaanka baahi weyn u qabeen maadama ay wajahayaan abaar iyo biyo yari ba’an. Marka la dhammeytiro dayacrirka iyo horumarka ceelka, dadweynaha waxa ay heli doonaan biyo nadiif ah oo la’isku haleyn karo, taas oo sahli doonta in ay adkeysi u yeeshaan isbedelka cimilada, noloshaadana u maareeyaan sida waarta.

    Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha XFS iyo kuwa heer dowlad goboleed, waxaa ka go’an in ay keenaan xal waara oo ay dhammaan bulshada Soomaaliyeed ku helaan biyo sugnaantooda la hubo.

  • Wasiirka Tamarta iyo Khayraadka Biyaha oo ka Qaybgalay Shir-Madaxeedka Midowga Afrika

    Wasiirka Tamarta iyo Khayraadka Biyaha oo ka Qaybgalay Shir-Madaxeedka Midowga Afrika

    Addis Ababa, Febraayo 16, 2026: Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha XFS, Mudane Cabdillahi Bidhan Warsame oo qeyb ka ah wafdiga uu Hoggaaminayo Madaxweynaha JFS, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeyb-galay shir Meertada 39-aad ee Shir Madaxeedka Midowga Afrika.

    Meertada 39-aad oo looga dhigay mowduuc Xaqiijinta Helidda Biyo Waara iyo Nidaam Fayo-dhow oo sugan si looga gaaro guul yoolasha Ajendaha 2063. Shirkan ayaa isu keenay hoggaamiyeyaasha Afrika si loo horumariyo qodobada hortebinta u leh qaarada ee la xiriira amniga biyaha iyo horumarka waara.

    Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha oo taas ka duulaya, waxa uu shirka la tagay qodobada iyo siyaasadaha mudnaanta u leh waaxda biyaha, kuwaas oo ka turjumaya sida ay Soomaaliya uga go’an tahay ka mira-dhalinta horumar waara oo laga sameeyo Tamarta iyo Biyaha iyada oo la raacayo tubta Ajendaha 2063.

  • Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha oo Qabatay Siminaar ku Saabsan Khariidadeynta iyo Biyaha Dhulka Hoose

    Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha oo Qabatay Siminaar ku Saabsan Khariidadeynta iyo Biyaha Dhulka Hoose

    Muqdish, 12 Febraayo, 2026: Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha XFS ayaa guul ku soo gunaanaday Siminaar heersare ahaa oo muddo laba maalmood ah ka socday magaalada Muqdisho.  Tababbarkan oo uu qaban-qaabiyey Mshruuca Abaartire (HoA Groundwater for Resilience) ayaa ka koobnaa ANSIXINTA Qariireynta iyo Soo saarista Biyaha Dhulka Hoose iyo tababbar dhinaca farsamada ah oo quseeya isticmaalka adeegga mareegta (Web Services) si loo sugo amniga biyaha Soomaaliya ee muddada dheer.

    Maalintii Kowaad

    Siminaarka oo ay ka soo qeyb-galeen kaadir ka kala socday Wasaaradaha Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha ee heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed, xubno ka tirsan Bangiga Aduunka, shirkadaha bixiya Adeegga Biyaha iyo Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed ayaa bilowday 11-kii bisha Febraayo 2026. Mowduuca maalinta kowaad ayaaa ahaa Qariiyenta iyo soo saarista Biyaha Dhulka Hoose iyo, in si waara loo horumariyo Biyaha Dhulka Hoose ee dalka.

    Maalintii Labaad

    Tababbarka waxa uu xoogga saaray maalintii labaad, 12kii Febraayo 2026, U Adeegsiga Mareegta Maamulka Biyaha Dhulka Hoose (Web Service Use for Groundwater Management). Waxaa si gaar ah diiradda loogu saaray in khuburada kala duwan ee qeybta ka ahaa Siminaarka oo ay ugu horreeyaan kuwa ka socday Wasaaradaha Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha ee heer Federaal iyo heer Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka in loo tababbaro xifradda Dijitaalka ee aas aaska u ah isticmlaaka Aaaladaha Mareegta, taas oo sahleysa in si hufan qiimeyn iyo kor-joogteyn loogu sameeyo Biyaha Dhulka Hoose.

    Barnamaijkan muhiimka ah waxaa suuragaliyey taageerada Bangiga Aduunka iyo Farsamada Sahan Pioneers iyo Regional Centre for Mapping of Resources for Development (RCMRD)

    Gunaanad: Siminaarkan socday labada maalmood ee sida guusha ah ku soo dhammaaday, waxa uu hoosta ka xarriiqay sida ay Wasaaraddu uga go’an tahay xaqiijinta sugnaanta iyo amniga biyaha dalka. Isku-xirka Qariireynta Biyaha Dhulka Hoose oo si heersare ah loo sameeyey iyo adeegyada Digitaalka ee ku dhisan Mareegta, kuwaas oo Soomaaliya ka dhigaya mid u diyaarsan u adkeysiga Isbedelka Cimilada iyo in, si waara ay uga faa’iideysataan Biyaha Dhulka Hoose Jiilasha maanta iyo kuwa berri.